Muqdisho 22 December 2025 (Dawan)- Iyada oo dunidu ay si xawli ah ugu sii tallaabsaneyso adeegsiga tignoolajiyada casriga ah, ayaa baahida loo qabo amniga dijitaalka noqotay arrin lama huraan ah. Rowdo Daahir, oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee bartay cilmiga Cybersecurity, ayaa sheegtay in ay ku qasbanaatay inay waxbarasho u aado dalka dibaddiisa, kaddib markii ay ka weysay gudaha Soomaaliya jaamacad ama xarun si gaar ah ugu takhasustay cilmigan. Waxay tilmaantay in baahida jirta ay tahay mid sii kordheysa, balse fursadaha waxbarasho ay weli xaddidan yihiin.
“Sababaha igu dhaliyay inaan dalka dibaddiisa aado waxaa ka mid ah inaan Soomaaliya ka waayay jaamacad si gaar ah loogu barto Cybersecurity-ga, ama xarun lagu qaato tababarro la xiriira cilmigan. Arrintaas ayaa igu qasabtay inaan waxbarasho u aado dal kale,” ayay tiri Rowdo Daahir, oo la hadlaysay Dawan.
Si arrimahaas xal loogu helo, magaalada Muqdisho waxay maanta martigelisay shir soconaya laba maalmood, kaas oo diiradda lagu saarayo horumarinta amniga dijitaalka ee Soomaaliya. Shirkan waxaa iska kaashanaya Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Jaamacadda Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin dowladeed, aqoonyahanno iyo wakiillo ka socday hay’adaha gaarka loo leeyahay.
Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Ibraahim Maxamed Mursal, ayaa sheegay in barashada amniga dijitaalka ay leedahay fursado ballaaran iyo khataro u baahan in si miyir leh loo wajaho, si looga faa’iideysto horumarka tignoolajiyada oo si weyn u saameeyay nolol maalmeedka bulshada caalamka.
“Amniga dijitaalka faa’iidooyin badan ayuu leeyahay, inkasta oo ay jiraan khataro la socda. Waxa nalaga doonayaa inaan ka faa’iidaysanno dhinacyada wanaagsan ee uu leeyahay, maadaama uu si weyn u fududeeyay nolol maalmeedka dunida oo dhan,” ayuu yiri Ibraahim Maxamed Mursal, Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho.



