Jabuuti (Dawan)– Tartanka orodka 10-ka KM ee Air Djibouti ayaa sannadkan yeelanaya weji cusub, kaddib markii qabanqaabiyeyaashu shaaciyeen in markiisa toddobaad ay markii ugu horreysay ka qayb geli doonaan ku dhowaad 100 orodyahan oo ka imanaya dalal shisheeye.
Tartanka ayaa la qaban doonaa 27-ka November, waxaana loo arkaa tallaabo lagu xoojinayo tartamada ciyaaraha fudud ee Jabuuti, laguna kordhinayo sumcadda caalamiga ah ee ciyaaraha dalka.
Munaasabadda lagu daahfuray tartanka ayaa ka dhacday xarunta shirarka ee Xoghaynta Dawladda u qaabilsan Ciyaaraha. Waxaa ka qayb galay Xoghayaha Dawladda ee Ciyaaraha, Fatouma Ali Abdallah; guddoomiyaha Guddiga Olombikada iyo Ciyaaraha Jabuuti, Aïcha Ali Garad; iyo agaasimaha guud ee shirkadda Air Djibouti, Abdourahman Ali Abdillahi.
Sidoo kale, waxaa goobta joogay guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Jabuuti, Saïd Ismail Hassan; xubno ka tirsan guddiga fulinta ee xiriirka; iyo Ayanleh Souleiman, oo ah safiirka shirkadda Air Djibouti, isla markaana ka mid ah orodyahannada caanka ah ee Jabuuti. Waxaa sidoo kale ka qayb galay masuuliyiin kale oo ka tirsan Xoghaynta Dawladda, oo ay ku jirto xoghayaha guud, Khadiga Ibrahim Idriss.