GODEY (Dawan) — Afar sano oo waxbarasho kaddib, 130 arday ayaa noqday dufcaddii ugu horreysay ee ka qalinjabisa Kulliyadda Maareynta iyo Adeegga Shacabka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, xarunteeda magaalada Godey.
Munaasabadda qalinjabinta oo Sabtidii lagu qabtay Godey waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelle Cabdi Faarax, Duqa Magaalada Godey Cabdullaahi Cali Xaaji, Maareeyaha Guud ee Kulliyadda Nimcaan Ibraahim, waalidiin, arday iyo marti sharaf kale.
Dufcaddan ayaa kulliyadda ku qaadatay muddo afar sano ah, iyadoo qalinjabintoodu noqonayso tii ugu horreysay ee noocan ah ee kulliyaddu qabato.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelle, Cabdi Faarax, ayaa ardayda ugu hambalyeeyay qalinjabinta, isaga oo sheegay in nolosha iyo suuqa shaqada maanta ay si weyn ugu xiran yihiin aqoon iyo xirfad.