Baydhabo (Dawan) – Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta oo Khamiis si rasmi ah ula wareegay xilka hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kadib munaasabad xil-wareejin ah oo ka dhacday magaalada Baydhabo.
Aadan Madoobe ayaa xilka kala wareegay Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo muddooyinkii u dambeeyay si ku-meel-gaar ah u hoggaaminayay maamulka Koonfur Galbeed.
Munaasabadda xil-wareejinta ayaa ka dhacday Aqalka Madaxtooyada ee Baydhabo, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, maamulka Koonfur Galbeed, hay’adaha dowladda, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo marti sharaf kale.