Itoobiya (Dawan)— Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Axaddii afur wadareed kala qeybgalay bulshada ku nool magaalada bari ee Diridhaba, sida ay sheegeen warbaahinta dowladda.
Booqashada Ra’iisul Wasaaruhu ku tagay xaruntan ganacsi ee ay deggan yihiin qowmiyado kala duwan ayaa ku soo beegantay bisha barakaysan ee Ramadaan, xilli ay Muslimiintu gudanayaan soonka. “La wadaagista afurka bulshada deegaanka inta lagu jiro bisha Ramadaan,” ayuu Abiy ku yiri qoraal uu soo saaray.






