Eldoret (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali, ayaa ka qeyb galay munaasabadda Maalinta Geesiyaasha Kenya ee Mashujaa Day, oo lagu qabtay magaalada Eldoret, halkaas oo uu ku maamuusay dadkii u soo halgamay xorriyadda Kenya iyo kuwii naftooda u huray difaaca dalkooda.
Abiy oo munaasabadda ka jeediyay khudbad ayaa sheegay in taariikhda halganka Kenya ay si weyn ula jaanqaaddo halgankii Itoobiya ee lagu difaacay madaxbannaanideeda, gaar ahaan guushii taariikhiga ahayd ee Adwa.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa xusay in labada dal ay wadaagaan taariikh ku dhisan geesinimo, midnimo iyo naf-hurnimo, isaga oo carrabka ku adkeeyay in xorriyaddu aysan ahayn wax si sahlan lagu helo, balse ay tahay natiijada halgan iyo dadaal wadajir ah.