Adeegga rakaabka ee Shirkadda Dhabbaha Tareenka Ethio-Djibouti ayaa si rasmi ah looga daahfuray degmada Hadhagaale ee gobolka Siti, Dawlad Deegaanka Soomaalida (DDS). Adeeggan cusub ayaa looga gol leeyahay in lagu xoojiyo isku socodka dadweynaha, ganacsiga, iyo dhaqaalaha gobolka, isagoo ka jawaabaya baahi muddo lix sano ah oo bulshada deegaanku u qabtay adeeggan muhiimka ah.
Munaasabadda daahfurka oo ka dhacday xarunta dhabbaha tareenka ee Hadhagaale ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin:
Guddoomiyaha gobolka Siti ayaa sheegay in adeeggan uu fursad weyn u yahay horumarinta ganacsiga degmada Hadhagaale, isagoo isku xireysa bulshooyinka labada dal ee Jabuuti iyo Itoobiya.


