Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maanta ka dhacay deegaano hoostaga gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii Al-Shabaab ay weeraro ku qaadeen deegaano lagala wareegay laba sano kahor.
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanada Ceel Cali Axmed, Cali Fooldheere, Al Kawsar, iyo Daarulnimca, waxaana uu dhexmaray Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa deegaanka.
Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay si buuxda isaga difaaceen weerarka, iyagoo jab u geystay Al-Shabaab.