Boosaaso (Dawan)- Amal Bank iyo Shirkadda Arafat ayaa magaalada Boosaaso ku daah-furay adeeg cusub oo lagu magacaabo “Labbayk”, kaas oo si gaar ah loogu talagalay fududeynta gudashada waajibaadka Xajka iyo Cumrada. Adeeggan ayaa qayb ka ah dadaallada Amal Bank uu ku horumarinayo adeegyada maaliyadeed ee casriga ah. Ujeeddadiisu waa in macaamiisha loo helo adeeg sahlan, hufan oo lagu kalsoonaan karo, kaas oo la xiriira safarrada Xajka iyo Cumrada.
Munaasabadda daah-furka oo qabsoontay 22-kii Oktoobar 2026 ayaa waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland, Maxamed Caydiid Jaamac, Guddoomiyaha Degmada Boosaaso, Cabdiraxmaan Jinaac, culimo, mas’uuliyiinta Amal Bank iyo Shirkadda Arafat, iyo marti sharaf kale.
Madaxa Shareecada ee Amal Bank, Sheekh Cabdicasiis Haybe, ayaa sharraxay in adeeggu u furan yahay qof kasta oo Muslim ah. Waxa uu sheegay in bangigu uu Shirkadda Arafat ka iibsan doono xirmada safarka, oo ka kooban tigidhka diyaaradda, hoyga hoteelka iyo adeegyada kale ee uu qofku u baahan yahay, kaddibna uu macmiilka uga iibin doono habka maaliyadeed ee Islaamiga ah ee Muraabaxada.
“Qofka wax la siinayaa waa qof wax haysta, laakiin wixiisii qorshaysan waayay, ayaa waxa lala qayb qaadanayaa inuu soo cibaadaysto,” ayuu yiri Sheekh Cabdicasiis.
Waxa uu intaas ku daray in macmiilku uu buuxin doono shuruudaha caadiga ah ee Muraabaxada, kuwaas oo ay ka mid yihiin dammaanad, warqad aqoonsi iyo dakhli joogto ah. Sidoo kale, qofka doonaya inuu kaydsado kharashka safarka, bangigu wuxuu u noqonayaa haye amaano, isaga oo lacagta u ilaalinaya ilaa maalinta uu safarka u baxayo.