Muqdisho (Dawan)— Jaamacadda Hormuud ayaa markii ugu horreysay arday u dirtay dalka Malaysia, si ay uga qaybqaataan barnaamij waxbarasho iyo is-dhaafsi aqooneed oo soconaya muddo hal bil ah, kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga waxbarasho ee u dhexeeya Jaamacadda Hormuud iyo Universiti Malaysia Perlis (UniMAP).
Ardayda, oo lagu sagootiyay magaalada Muqdisho, ayaa lagu wadaa inay halkaas kasoo helaan kobcin aqooneed iyo khibrad iyagoo wax ku baranaya deegaanka waxbarasho iyo shaybaarrada UniMAP.
Khalid Cabdi Dhowre, oo ka mid ah ardayda ka faa’iideysanaysa barnaamijka, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay fursadda uu helay.
“Maanta waa maalin aad iigu farxad badan, maadaama aan ka mid noqday ardayda nasiibka u yeelatay barnaamijkan, kaas oo jaamacaduhu ay isku dhaafsadaan ardayda si ay khibradaha u wadaagaan,” ayuu yiri. Guddoomiyaha Jaamacadda Hormuud