Mandheera (Dawan)— Laba askari oo ka tirsan Kaydka Booliska Qaranka Kenya ayaa ku dhintay, halka laba kale ay ku dhaawacmeen, qarax ka dhacay Khamiistii xadka u dhexeeya Mandheera iyo Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday laamaha amniga Kenya
Qaraxa ayaa dhacay xilli askartu ay wadeen roondo amni xaqiijin ah, waxaana lagu sheegay inuu ka dhacay qiyaastii 100 mitir gudaha dhulka Kenya, meel u dhow marinka isku xira Buulla Xaawo iyo Mandheera. Warbixin ay soo saareen booliska ayaa lagu xaqiijiyay in qaraxu haleelay askar ka tirsan Kaydka Booliska Kenya oo ka hawlgalayay aaggaasi.
Askarta ku dhimatay weerarka ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdirashiid Shabellow Cali iyo Kaboole Maxamed Cabdow Isxaaq, halka labada askari ee kale ee dhaawacmay mid uu soo gaaray dhaawac fudud, kan kalena uu qabo dhaawac halis ah, sida ay xaqiijiyeen saraakiil caafimaad.


