Puntland (Dawan) – Ugu yaraan lix askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku dhimatay qarax miino oo ka dhacay deegaanka Togga Baalade ee buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Sida ay ogaatay Dawan, qaraxa ayaa ahaa miino dhulka lagu aasay, taasoo la kacday gaari miino-baar ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan guutada Afmeer, xilli ay howlgallo ka wadeen deegaannada buuraha Calmiskaad.
Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in gaariga ay saarnaayeen 11 askari, kuwaas oo lix ka mid ah ay ku dhinteen qaraxa, halka labo askari ay ku dhaawacmeen.
Saddex askari oo kale ayaa ka badbaaday dhacdada.







