Jowhar (Dawan)- Ciidamada Nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya aaya billaabay qorshaha wajiga labaad ee lagu dhimaayo ciidamada ka sugan Soomaaliya.
Warbixin ay soo saartay ATMIS oo la xiriirta bixitaanka ciidaankii joogay Saldhigga Biya-cadde ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa u qorneed sida soo socota.
Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa maalinti axadda (shalay) ahayd bilaabay wajigii labaad ee dhimista ciidamada ka jooga Soomaaliya, iyadoo lagu wareejiyay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed Saldhigga Biyo-cadde ee Maamul Goboleedka Hirshabeelle.
Saldhigga Biyo-Cadde oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana ay ka howl geli jireen ciidamada ATMIS ee Burundi ayaa ah mid istaraatiiji ah, maadaama ay tahay furinta difaaca ee magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.
Munaasabadda wareejinta Saldhigga waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday Hawlgalka ATMIS, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOS.