Addis Ababa (Dawan)– Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa warbixin u gudbiyay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, taas oo ku saabsan xaaladda amni ee Soomaaliya iyo horumarka laga sameeyay fulinta waajibaadka howlgalka.
Warbixinta ayaa diiradda lagu saaray dadaallada AUSSOM ee lagu taageerayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay dadaallada lagu xoojinayo amniga, xasillinta iyo qorshaha lagu wareejinayo mas’uuliyadda amniga ciidamada Soomaaliyeed, iyadoo lagu saleynayo xaaladaha dhabta ah ee dalka.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa bogaadiyay doorka AUSSOM ee taageeridda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, wuxuuna ammaanay wada-shaqeynta dhow ee ka dhexeysa howlgalka, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ka tirsan howlgalka