Jabuuti (Dawan) – Baarlamaanka Jabuuti ayaa Arbacadii fadhiistay kalfadhigiisii caadiga ahaa ee ugu horreeyay, iyadoo mudanayaashu ay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen saddex hindise-sharciyeed oo la xiriira xisaabaadka maaliyadeed ee sanadka 2024 ee qaar ka mid ah hay’adaha dowladda.
Doodaha fadhiga ayaa diiradda lagu saaray saddex hindise-sharciyeed oo la xiriiray ansixinta xisaabaadka maaliyadeed ee Garoonka Caalamiga ah ee Jabuuti, Xafiiska Horumarinta Tamarta Dhulka Hoostiisa laga helo (ODDEG) iyo Diiwaanka Hantida iyo Awqaafta.
Intii ay socdeen doodaha, mudanayaasha Baarlamaanka ayaa su’aalo ka keenay saxnaanta xisaabaadka la soo bandhigay iyo hab-maamulka maaliyadeed ee hay’adahaasi. Xubnaha xukuumadda ayaa faahfaahin ka bixiyay arrimaha la xiriira maamulka iyo miisaaniyadda hay’adaha, iyagoo ka jawaabay su’aalihii ay soo jeediyeen mudanayaashu.
Ra’iisul Wasaare Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa bogaadiyay talooyinka iyo aragtiyaha ay soo bandhigeen xildhibaannadu, isagoo sheegay in xukuumaddu ay tixgelin doonto si loo xoojiyo maamul-wanaagga iyo tayeynta hay’adaha dowladda.