Muqdisho (Dawan)– Isku-xirka bahda caafimaadka Soomaaliyeed iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ee caafimaadka ayaa udub-dhexaad u ahaa munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo loogu magac daray “Habeenka Maamuuska iyo Isku-xirka Bahda Caafimaadka Soomaaliyeed”.
Munaasabadda oo qabsoontay 24-kii Oktoobar 2026, waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, madaxda Wasaaradda Caafimaadka, dhakhaatiir iyo xubno kale oo ka tirsan bahda caafimaadka.
Kulanka ayaa lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay in Wasaaradda Caafimaadka, Golaha Mihnadleyda Caafimaadka Qaranka (NHPC) iyo bixiyeyaasha adeegyada caafimaadka ee dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay yeeshaan iskaashi dhow, si kor loogu qaado tayada adeegyada caafimaadka dalka.
Munaasabaddan ayaa sidoo kale qabsoontay saacado kaddib markii Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadan, uu mar kale kalsoonida ka helay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddib mooshin xil-ka-qaadis ah oo laga keenay.