Muqdisho (Dawan) – Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed ee sannadkan (BGS26) ayaa shaaca ka qaaday xog muujinaysa culayska xaaladda caafimaadka Soomaaliya. Xogtu waxay muujisay in kaliya 27% bulshada Soomaaliyeed ay heli karaan adeegyada caafimaadka aasaasiga ah, sida ku xusan Qorshaha Isbeddelka Qaranka.
Bandhigga, oo ah madal sannadle ah oo ay soo qabanqaabiso shirkadda Hormuud Telecom, ayaa sannadkan oo ah kii shanaad diiradda saaray caafimaadka. Bandhigaan oo dhacay 20 October 26, Waxaa ka qaybgalay masuuliyiin dowladeed, xildhibaanno, madaxda xarumaha iyo hay’adaha caafimaadka, dhakhaatiir, ganacsato, bangiyo, jaamacado, warbaahinta iyo bulshada rayidka ah. Madasha waxaa lagu soo bandhigay cilmibaarisyo, khudbado, doodo cilmiyeed iyo warbixinno dokumentari ah.
Xogta bandhigga ayaa muujisay in 2% oo keliya Soomaalida ay haystaan caymis caafimaad, halka 98% ay caafimaadka ka bixiyaan jeebkooda iyo taageerada qoyskooda.
Soomaalidu sannadkii 2024 oo keliya waxay ku bixiyeen in ka badan $219 milyan daaweyn ay u doonteen Hindiya, Turkiga, Masar iyo Itoobiya. Kansarku ayaa ah cudurka ugu badan ee daaweyntiisa dibadda loo aado. Sannadkii 2022, dalka waxaa la soo dejiyay alaab caafimaad oo lagu qiimeeyay $479 milyan. Ku dhowaad saddexdii daawo midkood waxaa la iibsadaa warqad dhakhtar la’aan.
6,128 xaaladood oo kansar ah ayaa la diiwaangeliyay intii u dhaxaysay 2023 iyo 2026, iyadoo kansarka hunguriga uu yahay kan ugu badan. Soomaaliya ma laha diiwaan kansar oo qaran, ayaa lagu sheegay bandhigga.
Bandhiggu wuxuu tilmaamay caqabado dhowr ah oo hor taagan caafimaadka dalka: Maalgelinta dowladda ee caafimaadka oo aad u yar, iyo ku-tiirsanaanta deeqaha shisheeye. Hoos u dhaca gargaarka bini’aadannimo ayaa keenay in xarumo caafimaad iyo nafaqo la xiro, kuwo kalena ay qarka u saaran yihiin.
Kharashka caafimaadka oo saaran jeebka bukaanka, iyadoo aan la helin nidaam caymis baahsan. Adeegyada oo ku ururay caasimadda iyo magaalooyinka waaweyn, halka miyiga iyo reer-guuraaga aysan helin daryeel ku filan. Nidaamin iyo kormeer daciif ah, taas oo suurtagelisay in ay shaqeeyaan xirfadlayaal aan la xaqiijin ama haysta shahaado been abuur ah, ayaa qeyb ka ahaa caqabadaha lagu soo bandhigay madasha, iyo Yaraanta xogta caafimaadka, maadaama uusan jirin diiwaan qaran oo caafimaad.
Bandhiggu wuxuu sidoo kale bidhaamiyay fursado lagu dardargelin karo horumarka. Kuwaas waxaa ka mid ah: