Muqdisho (Dawan)— Ku dhawaad 30 Jaamacadood oo ka hawlgala Soomaaliya ayaa hal goob ku soo bandhigaya fursadaha waxbarasho ee ay u hayaan ardayda, oo ay ka mid yihiin deeqo waxbarasho iyo qiimo-dhimisyo. Bandhigga Somali Higher Education Expo 2026 ayaa maanta ka furmay Muqdisho, waxaana si wadajir ah u qabanaya Damaashaad Events iyo Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed. Bandhiggu wuxuu soconayaa muddo laba maalmood ah.
Waa markii ugu horreysay oo Muqdisho lagu qabto bandhig noocan ah oo hal meel lagu isugu keenay ku dhawaad 30 jaamacadood oo dalka ka hawlgala. Bandhiggan ayaa si gaar ah loogu talagalay ardayda dhammaysatay dugsiyada sare, kuwaas oo goobta ka heli kara xog ku saabsan jaamacadaha, kulliyadaha ay bixiyaan iyo fursadaha waxbarasho ee ay heli karaan.
Qabanqaabiyayaashu waxay sheegeen in ujeeddada bandhiggu tahay in ardayda loo fududeeyo helitaanka macluumaad sax ah oo ka caawinaya inay go'aan ka gaaraan jaamacadda iyo kulliyadda ay dooranayaan.
Guddoomiyaha Damaashaad Events, Maxamed Cusmaan Geedi, ayaa sheegay in ardayda ka qaybgalaysa bandhigga ay heli karaan fursado waxbarasho iyo qiimo-dhimisyo ay bixiyaan jaamacadaha ka qaybgalaya.