Muqdisho (Dawan)- Xarunta Mustaqbal ee Wadahadalka iyo Daraasaadka, oo kaashanaysa Xarunta Geeska Afrika ee Cilmibaarista iyo Daraasaadka Siyaasadeed; ayaa qabtay laba fadhi oo doodwadaag iyo falanqayn ah, cinwaankooduna ahaa “Bariga Afrika: Isbeddellada Waaweyn iyo Isgarbinta Cusub.” Waxaa dooddan ka soo qaybgalay dublamaasiyiin, safiirro, xeeldheerayaal u dhuundaloola arrimaha Afrika, aqoonyahanno, suxufiyiin iyo qaar ka mid ah ardayda ku jirta kulliyadaha culuumta siyaasadda.
Qaybtii koowaad ee doodwadaagga waxaa diiradda lagu saaray isbeddellada ka dhacaya dowladaha geeska, mustaqbalka xasilloonida iyo isdhexgalka gobolka, halka qaybta labaadna lagu saleeyay falanqaynta isbeddellada juqraafi-siyaasadeed iyo dib-u-qaabaynta isu-dheellitirka awoodaha. Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa in la oddoroso isbeddellada ka socda gobolka, lana faaqido isdhexgalka siyaasadeed iyo istaraatiijiyadeed, isla markaana la saadaaliyo isbeddellada ay keeni doonaan marka la eego xiriirrada ka dhexeeya dowladaha gobolka.
Labadii qaybood ee kulanka, ayaa la isku dhaafsaday doodo iyo falanqayn, iyadoo ka qaybgalayaasha iyo xeeldheerayaashii hadlay ay isweydaarsadeen aragtiyo iyo oddors mowduuca khuseeya. Waxaa kulanka qayb ka ahaa Danjire Cumar Idriis, Danjire Dr. Axmed Jaamac, iyo aqoonyahanno iyo xeeldheerayaal ay ka mid yihiin Prov. Cabdishakuur Sheekh Xasan Faqiih—cilmibaare ku xeeldheer arrimaha siyaasadda; Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow, hormuudka Kulliyadda Cilmiga Siyaasadda ee Jaamacadda Muqdisho; Mudane Xuseen Cabdi Aadan—cilmibaare u dhuundaloola arrimaha dowlad-dhiska iyo doorashooyinka; iyo Mudane Liibaan Axmed Shire, agaasimaha xarunta Geeska Afrika ee Cilmibaarista iyo Daraasaadka Siyaasadeed.