Dakar (Dawan)- Xisbiga haya talada dalka Senegal ayaa si rasmi ah u qirtay in looga guuleystay doorashadii madaxtinimo ee dalkaas ka dhacday 24-kii bishaan March.
Musharraxa Isbaheysiga mucaaradka, Bassiroe Diomaye Faye (44 jir) ayaa guul weyn soo hooyay kadib markii uu wareegi koowaad ku xaqiijiyay inuu helo codadka u suurta gelinaya inuu noqdo madaxweynihi 5-aad ee dalka Senegal, sida ay muujinayaan natiijooyinka hordhaca ah.
Madaxweynaha xilka ka degaya Macky Sally ayaa ugu hambalyeeyay Diomaye Faye guushii uu ka gaaray doorashada wareegii koowaad, isaga oo tilmaamay in arrintaan ay ka dhigantahay guul u soo hoyatay dimoqraadiyadda Senegal, waxa uuna bogaadiyay jawiga ay doorashadu kusoo dhamaatay.
Madaxweynaha la doortay waxaa horyaala caqabado dhowr ah, waxaana laga doonaya inuu wax ka qabto shaqa la'aanta ka jirta dalka ee keentay in dhallinyaro badan u tahriibaan qaaradda Yurub.