Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Cabdi ayaa caddeeyay inay Itoobiya siinayaan bad maadaama ay u aqoonsanayso dowlad madaxbannaan, taas oo ah arrin ay raadinayeen in ka badan soddon sano. Sidaas waxa uu ku sheegay wareysi uu siiyay TV-ga Al-Carabiya.
Nuxurka heshiiska
Biixi waxa uu sheegay in Itoobiya ay dooneyso inay hesho marin badeed, halka Somaliland ay muhiim u tahay inay noqoto dal la aqoonsanyaahy, sidaasna ay ku heshiiyeen in dhinac kasta uu helo waxa uu doonayo.
"Waxaan saxiixnay heshiis is-afgarad ah. Dowladdu (Somaliland) waxay mudnaan siineysaa sidii ay uga mira dhalin leheed danaheeda qaranimo iyo sidii ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah. Itoobiya iyadu waxaa mudnaanta koowaad u leh sidii ay u heli leheed marin badeed. Kulan ayaan ka yeelanay, aan arrintaas uga wada hadalnay , sida aan sheegayna muhiimadeenu waxay tahay in la aqoonsado dowladdeena, diyaar ayaana u ahayn inaan siino marin badeed hadddii ay aqoonsadaan dowladnimadeena"
Madaxweynaha Somaliland ayaa intaas ku daray in heshiiskaas uu yahay mid dan u ah gobalka marka la eego dhinacya badan " Waxaan aaminsanahay in heshiiskani uu noqon doono mid dan u ah Geeska Afrika marka la eego dhinacyada amniga, xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ganacsiga"
Midnimada iyo kala taggu waa arrin u taal Soomaali
Muuse Biixi waxa uu Masar ku eedeeyay inay kasoo horjeedo gooni isu taagga Somaliland, iyada oo waxkasta u samaynayasa sidii ay u taageeri leheed midnimada Soomaaliya. Arrintaas waxa uu ku tilmaamay mid aan caddaalad ku dhisnayn iyo faragelin ay Masar ku samaynayso khilaaf u dhaxeeya Soomaali.