Muqdisho (Dawan) – Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin, ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay heleen hub sharci-darro ah oo lagu kaydiyay gudaha Elite Hotel ee magaalada Muqdisho, xilli ay socdaan howlgallo lagu ururinayo hubka aan sharciyeysnayn ee caasimadda.
Taliyaha oo warbaahinta kula hadlay gudaha hotelka ayaa sheegay in hubka laga soo saaray qol gaar ah oo ku dhex yaalla hotelka, isagoo xusay in qalabka la helay ay ka mid yihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), qalabka ay isticmaalaan toogtayaasha, qoryaha PKM iyo AK 47
Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay in qolka lagu keydiyay hubka uu xirnaa markii ciidamada ay gaareen goobta, balse markii dambe la furay kadib markii maamulka hotelka uu keenay furaha. Waxa uu sidoo kale sheegay in odayaal goob-joog ka ahaayeen intii lagu guda jiray soo saarista hubka.
Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa carrabka ku adkeeyay in aan lagu dhex haysan karin hub sharci-darro ah goobaha ganacsiga, oo ay ku jiraan hotelada iyo xarumaha kale ee adeegyada bixiya.