Muqdisho (Dawan ) – Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay dagaalkii ka socday degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo ciidamo la sheegay inay taabacsan yihiin Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.
Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi), oo shir jaraa’id qabtay, ayaa sheegay in howlgalka Howlwadaag uu ahaa wajigii koowaad ee qorshaha amniga, isla markaana la soo afjaray.
“Howlgalkaan waa qeybtii koowaad, qeybta labaadna waa Mirinaayo. Hadda ayaan u soconnaa, waana la soo gabagabeyn doonaa,” ayuu yiri Taliyaha.
Sida uu sheegay Taliyuhu, ciidamada amniga ayaa hadda diiradda saaraya deegaanka Mirinaayo, halkaas oo ay weli ka socdaan iska horimaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo ciidamo kale oo la sheegay inay taageersan yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Booliska Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale soo bandhigay hub ay sheegeen in ay kala wareegeen kooxihii ay la dagaallameen intii uu socday howlgalka degmada Howlwadaag.