Muqdisho (Dawan) — Ciidanka Booliska Gobolka Benaadir ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen Habeenimadii xalay haweeney lagu eedeeyay inay saygeeda ku dishay toorey, falkaas oo ka dhacay degmada Deyniile, gaar ahaan waaxda Kor-Damac.
Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Faadumo Maxamed Cusmaan ay toorey ku dishay ninkeeda, Marxuum Xasan Maxamed Nuur, waxayna tilmaammeen Boolisku in falka uu ka dhacay gudaha guriga qoyskooda.
"Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku dhigay haweeney caawa fiidkii ninkeeda, Marxuum Xasan Maxamed Nuur, ku dishay degmada Dayniile" ayaa lagu yiri khoraal kasoo baxay Taliska Booliska







