Muqdisho (Dawan) – Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, ayaa soo bandhigay hub iyo gaadiid ay sheegeen in lagu qabtay howlgal amni oo maanta laga fuliyay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay hub ay ku jiraan 17 qori oo nooca dhashikaha ah, 14 gaari iyo agab kale oo uu ku tilmaamay sharci-darro.
Taliyaha ayaa sheegay in hubkaasi ay lahaayeen kooxo mucaarad ah oo sida uu sheegay ku sugnaa xaafado ka tirsan caasimadda, isagoo xusay in howlgalka lagu soo ururiyay hubkii lagu isticmaalay iska horimaadyadii dhowaan ka dhacay Muqdisho.
“Hubkaas aan soo qabanay waa hubkii ay mucaaradka nimankaa halkaa yimid wateen,” ayuu yiri Taliyaha, isaga oo intaa ku daray in tirakoob dhameystiran laga sameeyay hubka iyo qalabka kale ee la qabtay.