Hargeysa (Dawan)— Booliska Somaliland ayaa bilaabay qorshe saraakiil ka tirsan ciidanka loogu diyaarinayo inay noqdaan macallimiin tababara ciidamada kale, iyadoo tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo aqoonta iyo xirfadaha ciidanka.
Tababarka oo Axaddii la furay ayaa soconaya muddo toddobaad ah, waxaana bixinaysa Hay’adda Midowga Yurub ee EUCAP, iyadoo lagu saleynayo nidaamka Training of Trainers (ToT).
Saraakiisha ka qaybgalaysa ayaa la siinayaa xirfado u saamaxaya inay aqoonta ay ka helaan tababarka dib ugu gudbiyaan xubnaha kale ee ciidanka, taas oo talisku doonayo inay gacan ka geysato ballaarinta tababarrada gudaha booliska.
Taliyaha Booliska Somaliland, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan, oo ka qaybgalay furitaanka, ayaa sheegay in qorshuhu yahay in la dhiso saraakiil aqoon iyo xirfad leh oo awood u leh inay tababaraan ciidamada kale.