Muqdisho (Dawan)- Af-hayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa faahfaahin dheeraad ka bxiiayay qarax maanta ka dhacay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.
Af-hayeenka ayaa sheegey in ciidmada amaanku ku guuleyteen inay qabtaan laba nin oo waday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo la doonayay in lagu waxyeelleeyo shacabka.
“Ciidadama roondada degmada Deyniile ayaa ka hor tegay gaari walxaha qarxa lga soo buuxiyay, kadib markii shaki laga muujiyay sida uu meesha kusoo galay, waxeyna gacanta ku dhigeen laba eedeysane oo hadda su’aalo la weydiinayo” ayuu yiri Af-hayeenka Booliska Soomaaliya