Soomaaliya (Dawan) — Booliska Soomaaliya ayaa sheegay habeenimadii Axad in la fuliyay howlgal lagu bartilmaameedsaday shabakad ay sheegeen in Al-Shabaab uga qaadi jirtay baad dadka rayidka ah ee isticmaala waddooyinka gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka, oo ka dhacay deegaanka Jambaluul, ayaa lagu burburiyay bar kontorool oo loo adeegsaday ururinta lacagaha sharci-darrada ah, sida lagu sheegay bayaan ay uu soo saaray boolisku.
Booliska ayaa sheegay in goobtan ay ka mid ahayd meelaha ay kooxdu ku qaaddo lacago qasab ah, iyads oo ay sii joogto ah uga cabanayeen shacabka iyo ganacsatada deegaanka.


