Muqdisho (Dawan ) – Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa ka digay in khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu isu beddelo rabshado, haddii aan mudnaan la siin wadahadal iyo xal nabadeed.
War-saxaafadeed ay soo saareen maanta oo ku beegan 3-da Juun 2026 ayay ururradu ku sheegeen in xiisadda ka dhalatay bannaanbaxyada lagu dhawaaqay ay halis gelin karto xasilloonida magaalada Muqdisho, isla markaana ay sababi karto barakac, dhaawacyo, dhimasho iyo amni darro hor leh.
Ururrada Bulshada Rayidka ayaa xusay in bannaanbaxyada siyaasadeed iyo kuwa bulshada ay yihiin xuquuq dastuuri ah oo muwaadiniintu si nabad ah ugu cabbiri karaan aragtidooda, tabashooyinkooda iyo mowqifyadooda siyaasadeed, iyagoo ku baaqay in la dhowro xorriyadahaas.
Sidoo kale, ururradu waxay si adag uga digeen in hay’adaha amniga lagu dhex daro loollanka siyaasadeed, iyagoo sheegay in ciidamada looga baahan yahay inay si dhexdhexaadnimo iyo xirfad leh u gutaan waajibaadkooda ilaalinta amniga iyo badqabka shacabka.