Muqdisho (Dawan)– Bulsho Development Bank ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray adeegga maalgelinta ee loogu talagalay in lagu taageero ganacsatada, hal-abuurayaasha, beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed.
Bangiga ayaa sheegay in adeeggan uu fursado maalgelin u fidinayo ganacsatada, beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada, si ay u kobciyaan ganacsiyadooda una horumariyaan wax-soo-saarkooda. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Adeeggu ayaa waafaqsan mabaadi’da Shareecada Islaamka.
Ganacsatada doonaysa inay ballaariyaan ganacsiyadooda, kordhiyaan raasumaalkooda, horumariyaanna hawlahooda ayaa adeeggan ka heli kara maalgelin. Sidoo kale, beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada ayaa la siin doonaa taageero maalgelin oo loogu talagalay kobcinta wax-soo-saarka beeraha iyo xoolaha, iyo horumarinta dhaqaalaha.