Jowhar (Dawan)- Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa caawa Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed dib ugu doortay guddoomiyaha golaha, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Jowhar, isaga oo helay 77 cod.
Sidoo kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Iidow ayaa loo doortay guddoomiye-ku-xigeenka koowaad, halka Xildhibaan Jaamac Cali Maxamuud loo doortay guddoomiye-ku-xigeenka labaad. Labada musharrax lalama tartamin, maadaama mid kasta uu xilkaas u ahaa musharraxa keliya.
Cabdixakiin Luqmaan ayaa guddoomiyaha Golaha Wakiillada Hirshabeelle ahaa tan iyo 4-tii Nofeembar 2020. Kahor intii aanu baarlamaanka ku biirin, wuxuu ka soo shaqeeyay safaaradda Soomaaliya ee Suudaan.