Abidjan (Dawan)- Xulka Cape Verde oo wacdaro ku billaabay koobka Qarmada Afrika ayaa 3-0 kaga badiyay xulka Mozambique ciyaar ka dhacday garoonka Stade Félix-Houphouët-Boigny ee caasimadda Abidjan.
Xulka qaranka Cape Verde ayaa gaaray guushi labaad ee koobka, waxa uuna xaqiijyay in ay u gudbaan wareegga 16-ka ee is reeb-reebka.
Ciyaariyahanka darbda kulal ee Bebé ayaa daqiiqadii 32-aad dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta kadib markii uu shabaqa dhax dhigay kubad uu kasoo laaday meel goosha u jirta 36 mitir.
Ryan Mendes ayaa ka faa’iidaystay khaladaadka daafacyada Mozambique, waxa uuna ciyaarta ka dhigay 2 iyo 0 wax ka yar kadib markii laga soo laabtay nasiinada qeybta koowaad.
Kevin Lenini ayaa quusiyay reer Mozambique kadib markuu daqiiqadii 69-aad dhaliyay gooshi seddexaad.
"Aad ayaan ugu faraxsanahay ciyaartoydeyda," ayuu yiri Tababbaraha Cape Verde, Bubista, ciyaarta kadib mar uu la hadlay Warbaahinta.