Muqdisho (Dawan) – Ciidamada ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka wada degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir howlgal lagu ururinayo hub sharci-darro ah oo lagu qariyey goobo kala duwan, sida uu sheegay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga caasimadda Muqdisho, iyadoo ciidamada ammaanku ay baadi-goobayaan hubkii ay wateen ciidamo maalmihii lasoo dhaafay dagaal kula jiray dowladda, kuwaas oo la sheegay in hubkooda lagu qariyey xaafado iyo goobo kala duwan.
Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka ku nool degmada Cabdicasiis iyo deegaannada ku dhow inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida iyo badqabka bulshada.