Wajeer ( Dawan)- Xildhibaanka Waqooyiga Wajeer, Ibraahim Cabdi Saney, ayaa cambaareeyay afduubka iyo dilka lagula kalacay dadka deegaanka, isagoo sheegay in ay geysteen ciidamo dhar cad.
Saney ayaa sheegay in Axmed Cumar Maxamed iyo Maxamed Cali Maxamed, oo dhallinyaro ah, la afduubtay August 20, 2024, xilli ay wateen baaskiil iyaga oo u socday magaalada Bute.
Sidoo kale, August 22, 2024, Ciise Buulle Maxamed ayaa laga afduubtay Xarunta Ganacsiga ee Ajawaa, halka Daadow Cadow Maxamed la dilay aroornimadii hore ee isla maalintaas.