Hargeysa (Dawan) — Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), oo saacadihii ugu dambeeyay la is waydiinayay halka uu u safray ayaa maanta farriin usoo marsiiyay shacabka Somaliland baraha bulshada, isaga oo aan sheegin goobta uu ku suganyahay.
Cirro ayaa Facebook kusoo qoray " Shacabkayga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxa aan u soo dirayaa salaan & bogaadin, anniga oo u rejaynaya khayr, nabad, iyo barwaaqo"
Cirro ayaa baraha bulshada ku soo bandhigay sawiro muujinaya in uu safar ku joogo mid ka mid ah dalalka Yurub, iyadoo ay u badan tahay Switzerland, taas oo laga fahmi karo labiskiisa oo ku habboon meel qabow leh iyo calaamadda diyaaradda uu sawirka ku muujiyay.
Sidoo kale Wafdi ka socda Somaliland ayaa lagu arkay magaalada Davos ee Switzerland, oo martigelineysa Shirweynaha Dhaqaalaha Adduunka.







