Washington (Dawan)— Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Sabtidii gaaray dalka Maraykanka, kaddib markii ay Khamiistii ka ambabaxeen Somaliland. Wafdiga Cirro waxaa ku weheliya xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada iyo la-taliyeyaal, iyadoo safarku qayb ka yahay dadaallada maamulkiisu ku doonayo inuu sare ugu qaado xiriirka Washington.
Madaxtooyada Somaliland ayaa hore u sheegtay in ajandaha safarka uu diiradda saarayo xiriirka Maraykanka, iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha, soo jiidashada maalgashiga iyo dadaallada aqoonsi raadinta Somaliland.
Inta uu joogo Maraykanka, Cirro ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho xubno ka tirsan Aqalka Wakiillada iyo Senate-ka Maraykanka. Cirro ayaa la filayaa inuu Maraykanka joogo muddo, iyadoo 19-ka Sebtembar loo qorsheeyay inuu kulan la yeesho jaaliyadda Somaliland ee dalkaas.