Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta safar shaqo oo rasmi ah ugu ambabaxay dalka Maraykanka, isagoo sii mari doona Imaaraadka Carabta. Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee uu Maraykanka ku tago tan iyo markii uu qabtay xilka madaxweynaha.
Madaxweyne Cirro ayaa la filayaa inuu booqdo magaalada New York, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono xubno ka tirsan Aqalka Wakiillada iyo Senate-ka Maraykanka. Ilo diblomaasiyadeed ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynuhu rajaynayo inuu kulan la yeesho Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.
Sida ay Madaxtooyada Somaliland Sheegtay, Ajandaha safarka ayaa la filayaa inuu diiradda saaro xoojinta xiriirka Somaliland iyo Maraykanka, iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, dhiirrigelinta maalgashiga iyo dadaallada Somaliland ee ku aaddan helitaanka aqoonsi caalami ah.
Safarkan ayaa imanaya qiyaastii saddex bilood kaddib markii Madaxweyne Cirro uu booqday Israel, booqashadaas oo warbaahinta Israel ay ku tilmaantay mid taariikhi ah. Waxay sidoo kale ku soo beegantay xilli Israel ay bishii December ee sannadkii hore ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan.
Somaliland ayaa madax-bannaanideeda ku dhawaaqday sannadkii 1991-kii, balse ilaa hadda ma helin aqoonsi caalami ah oo ballaaran. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si joogto ah u sheegta in Somaliland ay qayb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku adkaysanaysa in khilaafka labada dhinac lagu xalliyo wada-hadal iyo hannaan siyaasadeed oo lagu heshiiyo.