Muqdisho (Dawan) – Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulkadir Cartan, ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa garsoornimo, isagoo sheegay inuu weli diiradda saarayo horumarinta xirfaddiisa, inkastoo uu seegay fursad uu uga qeyb geli lahaa howlaha la xiriira Koobka Adduunka 2026.
Cartan ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad soo dhoweyn ah oo loogu sameeyay magaalada Muqdisho, kadib markii uu dalka dib ugu soo laabtay. Munaasabadda waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo xubno ka mid ah bulshada.
Garsooraha ayaa u mahadceliyay dowladda Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed, FIFA iyo Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF), taageeradii ay siiyeen intii ay socotay arrinta keentay inuu ka maqnaado tartanka.
“Waxaan si weyn ugu mahadcelinayaa dalkayga, shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdayda oo i garab istaagay, i taageerayna,” ayuu yiri Cartan. Wuxuu sidoo kale sheegay in FIFA ay si dhow ula socotay xaaladdiisa isla markaana ay muujisay taageero joogto ah.
“FIFA si weyn ayay ii taageertay, way garab istaagtay, wayna ila socotay ilaa heerkan aan maanta joogno,” ayuu yiri.
Cartan ayaa sheegay in dhacdadii dhacday aysan niyad jab ku noqon doonin, isla markaana uu sii wadi doono dadaallada uu ugu jiro horumarinta xirfaddiisa garsoornimo.