Muqdisho (Dawan)— Dab ayaa saacadihii hore ee subaxnimadii maanta ka kacay qaybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka loo yaqaan Cabdalla Shideeye , waxaana uu sababay khasaare hantiyeed oo aan weli si rasmi ah loo qiyaasin.
Sida ay sheegeen qaar ka mid ah goob-joogayaal Dawan la hadlay, dabku wuxuu ka billowday maqaaxi ku taalla meel u dhow agagaarka Cabdalla Shideeye, ka hor inta uusan ku fidiin goobo ganacsi oo ku yaalla laba dabaq oo ka mid ah suuqa.
Goobaha uu dabku saameeyay waxaa ka mid ahaa bakhaarro lagu keydiyo dharka, goobo lagu iibiyo qalabka elektaroonigga ah iyo maqaaxidii la sheegay inuu dabku ka bilowday.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dabka uu ka dhashay koronto, hase yeeshee sababta rasmiga ah ee uu u kacay weli lama xaqiijin. Ma jirto wax war ah oo sheegaya khasaare nafeed ama dhaawacyo ka dhashay dabka, halka qiimaha hantida ku burburtay aan weli la shaacin.