Jowhar (Dawan)- Dab xalay saqdii dhexe ka kacay suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar ayaa geystay khasaara hantiyadeed oo fara badan.
Dabka ayaa ka kacay mid ka mid ah suuqyada ugu waawayn magaalada Jowhar ee maamul goboleedka Hirshabeelle, waxaana ka dhashay khasaara hantiyadeed oo ilaa iyo hadda aan si rasmi ah loo ogaan.
Gawaarida iyo booyadaha deb demisaka ayaa ugu dambeyntii ku guuleystay inay demiyaan abaara 4:30 am.
Sababta rasmiga ee dabka dhalisay lama oga balse waxay dad ka ag dhawaa goobta uu debka ka kacay u sheegeen TV-ga Dawn in loo badinaayo in ay tahay cellad ka dhalatay korontada.