Jabuuti – Hay’adda Qatar Charity oo kaashaneysa Wakaaladda Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba ee Jabuuti ayaa maanta soo gaarsiisay agab muhiim ah oo ka caawinaya hormarinta nolosha dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Agabka la keenay ayaa ka koobnaa 150 kursi oo loogu talagalay dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyo 250 qalab oo caafimaad oo loogu talagalay in lagu eegeyo xaaladaha caafimaad ee bulshadaasi. Agabkan ayaa loo gacan geliyay wakaaladda ay ku mideysanyihiin dadka baahiyaha gaarka ah qaba, si loo hubiyo in ay si toos ah uga faa’iideystaan dadkii loogu talagalay.
Munaasabaddii Gargaarka
Munaasabadda lagu soo bandhigay agabka waxaa goob joog ka ahaa Danjiraha Qatar u fadhiya Jabuuti iyo Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba. Agaasimaha wakaaladda ayaa sheegay in xiriirka iskaashiga ee Qatar Charity uu yahay mid xooggan, isla markaana la filayo in gargaarka kale oo dheeraad ah, sida gaadiid u fududeynaya noloshooda, la soo gaarsiiyo dhawaan.