Galgaduud (Dawan)- Dagaal dhimasho iyo dhaawac badan ka dhasheen ayaa saacadihii ugu danbeeyay ka socday deeegaano hoostaga gobolka Galgaduud.
Beelo walaalo ah oo wada daga gobolka Ggalgaduud ayuu lagu soo waramaya inuu dagaal ku dhax maray deegaanada u dhaxeeya Hulkujir iyo Qalaanqale ee gobolka Galgaduud.
Wararka la helaayo waxa ay tilmaamayaan in dagaalku billaawday xilliyadii dambe ee shalay.
Khasaare baaxad leh ayaa ka dhashay dagaal beeleedkaan iyadoo toboneeyo qof ay ku geeeriyodeen dagaalka, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo intaas ka badan oo labada dhinac ah.
Dadkii ku dhawaacmay dagaalka ayaa loola cararay magaalooyiinka Caabudwaaq iyo Xeraaale, si ay u helaan gargaar caafimaad.