Muqdisho (Dawan)— Dallada Haweenka Culimada Soomaaliyeed ayaa Arbacadii dowladda ugu baaqay inay soo saarto xeerar lagu nidaaminayo waxyaabaha lagu baahiyo baraha bulshada, iyadoo sheegtay in qaar ka mid ah waxyaabahaas ay dhaawacayaan qiyamka diinta iyo nolosha qoyska.
Shukri Xasan Cismaan, guddoomiye ku-xigeenka Dallada, ayaa Dawan Media ugu sheegtay shirweynaha labaad ee Dallada ee Muqdisho in waxyaabaha lagu baahiyo baraha sida TikTok ay qayb ka yihiin burburka qoysaska iyo hoos u dhaca akhlaaqda. Waxay dowladda ugu baaqday inay soo saarto xeerar, isla markaana lala xisaabtamo dadka baahiya waxyaabaha ka hor imanaya diinta iyo anshaxa. Waxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ka codsatay inay wasaaradaha kale kala shaqayso dejinta iyo dhaqangelinta xeerarkaas.
Shukri ayaa sidoo kale madaxda dalka ka codsatay inay taageero xooggan siiyaan xubnaha Dallada iyo hawlaha samafalka iyo adeegga bulshada ee ay qabtaan. Waxay madaxda uga mahadcelisay taageerada ay ilaa hadda siiyeen.