Rabat (Dawan)- Boqor Maxamed-ka Lixaad ee ka taliya dowladda Morocco, ayaa maanta oo isniin Qasriga Boqortooyada ku qaabilay dhowr Danjire oo dalkaas loo soo magacaabay si ay dowladahooda ugu metelaan.
Danjirayaalka maanta laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga, waxaa ka mid ah Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhi doona dalkaas, Salaad Cali Ibraahim.
Dowladda Soomaaliya ayaa Salaad u igmatay in uu ka shaqeeyo kor u qaadista xiriirka laba geesoodka ah, si loo helo iskaashi xooggan oo dhex mara labada dal.