Jidda (Dawan)- Safiirka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudi Carabiya danjire Aweys Xaaji Yuusuf Axmed ayaa kulan la qaatay madaxa Bankiga Hormurinta Islaamka, Mudane, Dr. Maxamed Al Jasser.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Bangiga ee magaalada Jidda ayaa waxaa labada masuul uga wada hadleen wadiiqooyinka lagu xoojin karo iskaashiga iyo taageerada dhanka horumarka ee Soomaaliya.
Intii kulanku socday, labada dhinac ayaa isdhaafsaday aragtiyo ku aaddan qeybaha kala duwan ee laga sameyn karo horumar iskaashi oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Islaamka.
Dr. Maxamed Al Jasser ayaa ku dheeraaday muhiimadda Soomaaliya maadaama ay tahay dal leh kheyraad dabiici ah oo aad u ballaaran, isla markaana leh awood dhanka kobaca iyo horumarka ah. Waxa uu sidoo kalehoosta ka xariiqay in ay ka go’an tahay Bangiga Horumarinta Islaamka in uu ka caawiyo Soomaaliya sidii ay uga guuleysan lahayd caqabadaha ku hor gudban.
Danjire Aweys Xaaji Yuusuf ayaa uga mahadceliyay Bangiga Horumarinta Islaamka taageerada joogtada ah iyo garab istaagga uu muujiyo xilliyada adag, isagoo hoosta ka xarriiqay doorka bangigu ku leeyahay tallaabada ay Soomaaliya u qaadday dhanka horumarka.
“Soomaaliya, barnaamijka deyn-cafinta kaddib waxay muhiimad gaar ah siinaysaa barnaamijyada noocaan oo kale ah. Waxaan hadda aad ugu tashanaynaa taageerada Bangiga Horumarinta Islaamka, ee wejigaan cusub.” ayuu yiri mudane Aweys.