Soomaaliya, Maarso 5, 2026 (Dawan)– Madaxa Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed (SODMA), Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta oo Khamiis ah shir ku guddoomiyay magaalada Galkacyo si loo xoojiyo isku-dubbaridka dadaallada gurmadka degdegga ah ee loogu fidinayo gobolka Mudug, kaas oo ay abaartu si daran u saameysay.
Guddoomiyaha, oo ay weheliyaan Guddiga Gurmadka Abaaraha Galmudug, ayaa la kulmay mas’uuliyiinta gobolka iyo hay’adaha samafalka si loo ballaariyo dadaallada wax looga qabanayo saameynta abaarta, taas oo si weyn u tabaaleysay xoolaha iyo dalagyadii beeraha ee deegaanka.
“Waxaa diiradda lagu saaray xaaladda abaarta ee gobolka Mudug iyo sidii loo xoojin lahaa gurmadka loo fidinayo dadka nugul, si noloshooda loo badbaadiyo,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdulle, isagoo ugu baaqay bulshada gudaha iyo saaxiibbada caalamiga ah inay kordhiyaan taageerada xilli abaartu gaartay heer xasaasi ah.






