Muqdisho (Dawan)- Dawan Media Group (DMG) waxay heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Somali Public Agenda (SPA) si loo billaabao wadashqayn cusub oo ku saabsan dhinacayda ay labada hay’adood ka howlgalaan.
Heshiiskan wuxuu hiigsanaya yoolalka waaweyn ee soo socda:
1. Cilmi-Baaris iyo Daabacaad: Faafinta wadajirka ah ee qoraallada iyo warbixinada ku saabsan dowlad wanaagga iyo adeegyada dadwaynaha .
2. Tababaro: Qabashada tababarro iyo aqoon isweydaarsi loogu talagalay saxafiyiinta, cilmi-baarayaasha, iyo bulshada rayidka ah.