New York (Dawan)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in Soomaaliya laga qaado xayiraaddii iyo cunaqabateyntii hubka ee saarneed muddo ka badan 30 sano.
14 dowladood ayaa oggolaaday qaraarka Soomaaliya looga qaadayo cunaqabateynta hubka, halka Faransa oo kaliya ay ka aamustay.
Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale u codeeyay in dib loogu celiyo cunaqabateynta hubka ee saaran kooxda Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.
Go'aankaan ayaa soo afjaraya cunaqabateyntii hubka ee lagu soo rogay Soomaaliya sannadkii 1992-kii si loo joojiyo qulqulka hubka ee ay helayeen dagaal oogayaashii isku hayay maamulka, kuwaas oo xukunka ka tuuray, Madaxweynihii xilligaas, Maxamed Siyaad Barre.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dadaalka ay ku bixisay dowladdu in la qaado cunaqabateynta hubka, faa'iidada ay u leedahay dowladnimada iyo halganka xoreynta dalka.
" Maanta waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u sheego, dalka Soomaaliya dhammaan waa la qaaday cunaqabeyntii hubka. Dalkaynu waxa uu maanta xor u yahay inta ay awoodeyna la egtahay, hubkii aan rabno inaan soo iibsano" ayuu yiri, Madaxweyen Xasan.
Dowladeynu maanta waxa ay soo gaartay, meel naloo qiray dalka Soomaaliya inuu leeyahay dowlad mas'uul ah oo xakameyn karta hubka, ayuu madaxweynuhu raaciyay hadalkiisa.