Muqdisho (Dawan)— Maamulka Dekadda Muqdisho ayaa soo saaray 16 awaamiir oo cusub oo lagu xakameynayo gaadiidka xamuulka ah ee ka howlgala gudaha dekadda, kaddib shilal soo noqnoqday oo lala xiriiriyay gaadiidkaasi.
Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa soo saaray awaamiirtan oo lagu sheegay in ujeeddadoodu tahay xoojinta badbaadada iyo nidaamka gaadiidka gudaha dekadda.
Mid ka mid ah awaamiirta ayaa dhigaya in gaadiidka gudaha dekadda lagu wado xawaare aan ka badan 10 ilaa 20/ kiiloomitir saacaddii.
Darawallada ayaa sidoo kale lagu amray inay hubiyaan xaaladda farsamo ee baabuurta, gaar ahaan bareegyada, nalalka iyo qaybaha kale ee muhiimka ah.
Maamulka ayaa mamnuucay in qofna uu hoos seexan karin gaadiidka ku sugan gudaha dekadda, iyadoo sidoo kale la mamnuucay isticmaalka codadka aan daruuriga ahayn, sida hoonka iyo seeriga.