Puntland (Dawan) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhagax dhigay xarun cusub oo Bangiga Puntland ku yeelanayo degmada Badhan ee gobolka Sanaag, taasoo qayb ka ah qorshayaasha lagu xoojinayo adeegyada dadweynaha iyo kaabeyaasha maaliyadeed.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ay ku jiraan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland, Maxamed Baari Shire, xubno ka tirsan xukuumadda Puntland, madaxda Bangiga, saraakiisha amniga, iyo maamulka gobolka iyo degmada.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in xaruntan bangiga ay gacan ka geysan doonto fududeynta adeegyada maaliyadeed, kobcinta dhaqaalaha deegaanka, iyo xoojinta joogitaanka maamulka ee gobolka.


